wargelin blog

Wargelin (11/14/09) Dilal Bareer ah, Cudurada Galmada, Ninkii gar weynba ma argagixisaa, Waxaan usoo joogay & siyaado

Barnaamijka Wargelin ee todobaadkan waxaan uga hadli doonaa:

Qayb cusub oo aan idinku tusi doono noloshu siday ahayd xilligi xornimadoonka anagoo ka eegayna indhaha waayeel Soomaaliyeed oo joogay xilligaas, Hooyo Soomaaliyeed oo ninkeedii uu ku dilay magaalada kansas city, Nin lagu xiray wadankaas Nederland isagoo rabay inuu is dhiibo oo arrin kale ay kusoo baxday.

Waxaan kaloo idiin haynaa nin lagu khaldamay laakiinse dhibi ay soo gaartay, Barnaamijkeena todobaadkani waa mid aad u xiisa badan waxaana markhaati kaaga ah barnaamijyada kala duwan ee aan idiin hayno oo uu ka mid yahay barnamij looga hadlayo cudurada galmada oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaahn STD.

Waxaa kaloo idiinkaga warrami doonaa dilalkii ka dhacay magaalooyinka Garoowe & Boosaaso ee nala daawada.

  • Facebook
  • Twitter
  • Delicious
  • Digg
  • LinkedIn
  • Blogger Post
  • Bebo
  • Yahoo Mail
  • Share/Bookmark

10 Responses to " Wargelin (11/14/09) Dilal Bareer ah, Cudurada Galmada, Ninkii gar weynba ma argagixisaa, Waxaan usoo joogay & siyaado "

  1. Sid M. Buxuur says:

    Waan idinku hambalyaynayaa barnaamijkan tayada leh aad bilawdeen, waxaan rajaynayaa in aad waqtiga xoogaa wax ku dartaan.
    Mahadsanidiin
    Sid

  2. Dega Omar says:

    aad ayaan u jecelahay barnaamijkan hadaan ka hadlo,aniga waa mid faaiido leh oo mar walba soo gudbiya waxyaabo xiiso leh oo aan ku arag websideyada kale waana ku mahadsan tihiin sida aad isugu taxulijiseen, inaad so raadisan waxyaabaha ,xiisaha leh waxaan aad uga helaa,waxyabaha qosolka leh ama ah funny,thanks,c/salaan caaato,sida uu walaalkey hore u sheegay xoogaa waqti ah ku dara waa ogahay iney wax walba xisaab ku socdaane,..thanks again

  3. xamna says:

    Assalaama caleeykum bacdal, salaam mahad Allaah ayaa leh awalan thaaniyah waxaa mudan walaalaha barnaamijkaan noo soo diyaarshay warbixino dadka ka daahnaa ayeey soo bandhigeen.
    Waa waxyaabo loo baahanyahay mahadsanidin .
    A>S>C

    Qore: Xamna

  4. Ali says:

    hey, people stop laying ok. the guy who crying is true he is acting that he is making movies.

    i think the money will go to al-shabab or hizbul nareet.

  5. maxamedcade says:

    waad ku mahsantihiin barnaamjika markaa waxaan odhan lahaa cabdisalaan
    mustaqbalka si aad u sameysaan tv caalamka in halkaa ka sii wado walal

    from burco

  6. ismacil says:

    asc waxan halakan salan ugu diraa cabdi salan cato iyo inta ka sheqasa barnamijga wargelin waa marnamij aad uxisa badan wana hormar u sohoyatay umada somaliyed oo adunkan ku kala dadsan in aay helan mela madan aay wax kala socdaan intaa kadib waxan jecla laheen xogaa in adw aqti dheri noogu dartaam marnamijka aad ayaad umahadsantihin dhamantina ciid wanagsan ayan nii leyahay wsc

  7. abubakr adam barre says:

    asw waa idin salaamay dhamaan umada somaliyed meel walba oo ay joogan ilaaheyna ha isku so celiyo dalkana allaha noo dejiyo jahliga allaha naga dulqaado cadawgeena cagta kahoos in sha allah hadii aan u solaabto barnaamijkan aad buu u wanaagsan yahay halkaan waxaa kasalamaya sxbkeyga qaaliga ah absalan aato waxaa leeyahay umada somaliyed ciid wanaagsan mcsalama.

  8. abdirasak says:

    waxaan rabay in aan ku dhaho barnaamijkan (wargelin) in uu yahay heer sare sxb,
    universal tv barnaamijkaan baa ka farsamo fiican , HQ , qaabka casriga ah ee loo tabinayo, nice work , keep up bro
    from abdirisak , london

  9. lya says:

    waaw barnamijkan aad ayu u fiican yahay

  10. fahiima says:

    aslama caleykum dhamaan gaar ahaan bahda martamaha sidoo kale c/caato waxaan leeyahay barnaamijkan wargelin waa bar naamij aan aad uga helay faa iidana u leh dadko idil sidaan filayo waadna ku,mahad san tihiin good jog

Leave a Reply