Waraysi aan idiinkaga soo qaadnay Ururka wadaniyiinta Soomaalida ee Hanoolaato mar aan kula kulanay magaalada Nairobi, Kenya ayaa noqday mid dad fara badani ay na soo weydiiyeen goorta isagoo buuxa lasoo galin doono Bartamaha online, haddaba maanta ayaan idiin soo gudbinaynaa waraysigii Hanoolaato oo qeyb ka mid ah aad ku aragteen Barnaamijka Wargelin.
Ujeedada ururka Hanoolaato waxay tahay – Ka xoraynta Bulshada shanta cadow ee kala ah: Colaadaha, Qabyaaladda, Saboolnimada, Aqoon darada iyo Sunta Cagaaran ee Qaadka
Dhidibo u saarista dulmiga, cadaawadda iyo kala qaybsanaanta ka jirta Soomaalida dhexdeeda, Soo celinta waddaniyaddii, is jacaylkii iyo iskaashigii ummada Somaliyeed, Xoojinta fahamka iyo barashada diinta Islaamka
Abuurista nabad, caddaalad iyo horumar si loo gaadho hannaan dowladnimo oo wanaagsan, bulsho hodan ah iyo qaran haybad leh.
Waraysigan waxaa ku jira Cali Shariif, Zakia Xuseen iyo C/weli Garaad.
asc dhaman waxa an u han,balyeey,nayaa dhaman ummada somaliyeey ,waxa ana ugu hanbal,yey´nayaa ururkaan cusub oo ah HANOOLATO waa xisbi aniaga ahan waxa an amin sanahay in u noqondoonaa xisbi anfaca ummada somaliyeed
Run ahaanti Xusbiga hanoolato waa xusbi lobahan yahey maxaayeley sida ay wax u wadaan waa ta kaliya ee wadabkeena badbaadin karta, aad banan uga heley mar ka ay ka hadleyeen arinta qabiilka siiba 4.5 maxaa yeeley inta la leeyahey 4.5 somaliya ma waligeed dhibka kama baxeyso, waxan u rajeynaya Ururka Hanoolta dadaalka aye hayaan.
ASC,
Anigoo ah Jamal, MBA(Finance & Accountig) ka diyaariya Kampala Uganda, waxan aad ula dhacsanahay hamiga Xisbiga Hanoolaato. anigoo ka mid ah aqoon yahana Somaaliyeed, waxbadan baan ku haminjirnay Ideology ga Hanoolaato, maantana waan ku taageereenaa. ka dib markaan dhagaystay warbixinta ad kasoo diyaarisen as Waregiln show, in Hanoolaato ay dal walba oo qurbaha u joogaan dad fikradooda xanbaarsan ,lakin aniga oo jooga Uganda, Kampala, wax fikiradaas ama Hanoolaato hadal ahaya mahayno marka waxan jeclaan laheen in Hanoolaato arintaas wax a qabata
Wabilaati towfiiq.
asc dhaman waxa an u han,balyeey,nayaa dhaman ummada somaliyeey ,waxa ana ugu hanbal,yey´nayaa ururkaan cusub oo ah HANOOLATO waa xisbi aniaga ahan waxa an amin sanahay in u noqondoonaa xisbi anfaca ummada somaliyeed